Waziirka maaliyada somalia dr. cilmi maxamuud nuur ayaa magalada dakar
ee dalka senegal kula kulmay
madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika. Dr. akinwumi adesina iyo xubno sare oo
ka tirsan bangiga afrika.
Wasiirka
Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga
xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta
dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda
Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka
barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn Dowladda Federaalka
Soomaaliya ka sameysay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in
Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti
dhaw. Wasiirka ayaa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha laga cafiyo
ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka
cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.